Dawladda Shiinaha oo Sheegtay inay gubayso Meydka Marxuumad Soomaaliyeed

China(Aftahannews):- Gabar Soomaaliyeed oo bishan gudaheeda ku geeriyootay dalka Shiinaha ayay Xukuumadda dalkaasi amar ku bixisay in shan casho gudahood lagaga saaro dalkooda haddii kale ay gubi doonaan, sida uu xaqiijiyey Sayga Marxuumaddaasi.

China-flag

Muna Xaaji oo ku geeriyooday Shiinaha ayaa waxay ahayd xaaska Maxamed Xasan Axmed oo sheegay in xaaskiisu ay u geeriyootay cudurka TB-da ah ee ku dhaca caloosha, taasoo wax laga qaban waayay.

“Xaaskaygu waxay geeriyootay kaddib markii ay umushay cunuggii noogu horreeyay oo lagu magacaabo C/raxmaan dhowr bilood jir ah. Xaaskeygu waxay u geeriyootay xanuunka TB-da caloosha, taasoo Dhakhaatiirta Shiinuhu ay noo sheegeen inaysan waxba ka qaban karin.” ayuu yiri Maxamed Xasan.

Sidoo kale, Muwaaddinkan Soomaaliyeed ayaa sheegay in lagu wargeliyay in shan maalmood gudahood uu Meydka Xaaskiisa kaga saaro Shiinaha, haddii kale la gubi doono, taasoo uu sheegay inay walaac xooggan ku dhalisay.

“Dowladdu waxay igu tiri Meydka Xaaskaaga shan maalmood kaga saara dalka, haddii kale waxaan ula dhaqmaynaa sida aan dadkayaga geeriyooday ula dhaqanno, taasoo ah inaan gubayno,” ayuu yiri Maxamed Axmed.

Muwaadinkan Soomaaliyeed wuxuu sheegay inuusan haysan lacagta maydka looga qaadayo dalka Shiinaha oo uu cadadkeeda ku sheegay 35-kun oo doollar, isagoo xusay inuu hayo 11.500 oo doollar oo keliya.

“Walaalaha Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay gacan iga siiyaan sidii aan maydka xaaskeyga uga qaadi lahaa dalka Shiinaha inta aan la gubin, waayo tani waa sadaqadda ugu wanaagsan ee qof la baxo, maadaama qof dhintay uu ahaa muslim, aniguna aan ka cararayo in la gubo,” ayuu yiri Maxamed Xasan oo dalab u dirsanayay Soomaalida Alle wax siiyay.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo dowladda Shiinuhu ay sheegto inay gubayso maydka qof Soomaali ah oo dalkeeda ku dhintay haddii aan maydkiisa si dhaqso badan looga saarin.

Xigasho Hiiraan.com