Qorshaha Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi iyo Siyaasadda Dawladda Maraykanka

PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR
PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR

Siyaasadda Somaliland mudo dheer waxay ku tiirsanayd dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya, hasa yeeshee mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Muuse Biixi, xidhiidhkii siyaasadeed iyo wada shaqayntii Somaliland la lahayd Dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya wuu soo yaraanayay, waxaynu gaadhnay heer aad u hooseeya, taas oo mararka qaarkood gaadhay in uu istaago.

PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR
PROF AXMED ISMAACIIL SAMATAR

Dadka Siyaasada ka faallooda qaarkood, waxay sheegeen in sababta keentay in uu xumaado Xidhiidhka Dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya ay tahay is faham waa ka yimid dhinaca Xukuumadda Muuse Biixi, taasina ay keentay in uu yaraado wada shaqantii labada dhinac.

Dawladaha Ingiriiska iyo Itoobiya, ayaa doonaya in uu Somaliland ka dhaco Isbedel Siyaasadeed oo xaga hogaanka sare ah, maadama oo ay adkaatay in ay la shaqeeyaan Madaxweyne Muuse Biixi

Isbedelka siyaasadeed ee ka jira Geeska Afrika ayaa keenay in ay ku loolamaan dawlado badan, kuwaas oo kala wata dano iyo ujeedooyin iyaga u gaar ah, waxana ugu wayn arrimaha dhaqaalaha,siyaasada iyo Milateriga

Madaxweyne Muuse Biixi,oo haatan jooga meel cidlo ah, isla markaana aan haysan taageerada Dawladaha Ingiriiska,Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta ayaa raba in uu keeno shax siyaasadeed oo cusub, taas oo ah in uu xidhiidh siyaasadeed la samaysto Dawlada Maraykanka isla markaana Gollihiisa wasiirada uu ku soo daro Siyaasiyiin Miisaan leh,kuwaas oo haysta Passport-ka Dawlada Maraykanka, xidhiidh wada shaqayneed oo fiicana la leh

Raga Madaxweyne Muuse Biixi miiska u saaran ee haysta Dhalashada Dalka Maraykanka waxa ka mid ah.

Axmed Ismaaciil Samatar oo la sheegay in laga dhigi doono Wasiirka Arrimaha Dibeda, Jamaal Cali Xusen oo loo magacaabi doono Wasiirka Maaliyada, Prof. Ismaaciil Maxamud Hurre (Buubaa) oo laga dhigi doono Wasiirka Waxbarashada,

Waxa kale oo la filayaa shaqsiyaad kale oo haysta Passport-ka Dalka Maraykanka in lagu soo daro liiska Cusub ee dhawaan la filaayo in uu Madaxweyne Muuse Biixi, magacaabo

La soco Qaybta 2aad

Waxa Qoray Jamaal Ibraahin.
.