Gobollada Donesk iyo Lugansk oo waddanka Ukraine ka go’aya

Donetsk(Aftahannews):- Dadka ku nool gobollada Donetsk iyo Lugansk ee bariga dalka Ukraine, waxay u codeeyeen afti aan rasmi ahayn oo ay soo qaban qaabiyeen kooxaha daacadda u ah Ruushka.

Wax yar kadib markii codeynta ay dhammaatay, gudoomiyaha guddi doorasho oo isku magacaabay “Jamhuuriyadda dadka Donetsk”, Roman Lyagin, ayaa ku dhawaaqay in 89 boqolkiiba ay u codeeyeen inay ka go’aan Ukraine oo maamul gaar ah ay u sameystaan gobolka.

“Rabitaanka waxa uu noqday 89.07%. waxaa diiday 10.19%. codadka hallaabayna waxay gaarayaan 0.74%.” ayuu yiri Mr Lyagin oo ku dhawaaqay natiijada.

Mr Lyagin ayaa sheegay inkastoo beesha caalamka ay diiday inay aqoonsato aftidan, haddana in dadka ay hadleen ayna doonayaan in la maqlo.

Gudoomiyaha guddiggan is magacaabay ayaa tilmaamay inay hadleen dadka bariga Ukraine ayna doonayaan si codkooda la dhageysto, lana arko awood-dooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dad gaarayo 70 boqolkiiba inay codeeyeen, hannaanka codeyntana uu ahaa mid cadaalad ah:

Weli laguma dhawaaqin codeynta Lugansk. Dowladda Ukraine waxa ay hannaanka aftida ku tilmaamtay muuqaal dembi.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.