Taariikh Kooban Halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Waxaan idiin soo gudbin doona Hadii Alle yidhaahado Taariikh Kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Allaha u naxariistee, iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga.

saee

  • Nimanyahow dabuub gabay baryahan, uma dadaalayne

  • Wax idaaray mooyee xalaa, laygu soo dagaye

  • Aan dabiibto gabaygaygu waa, dab iyo baaruude

  • Unkad dirigriglayn baan ahiyo, dirirta cawleede

  • Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimide

  • Aan durduro dabaal baan ku mari, Doollo ii xidhane

  • Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, lay dafirahayne

  • Gudcur dam ah habeen dumay dhulkoon, dacal ka nuuraynin

  • Ma danyado talaabada haddaan, dowga marayaaye

  • Dugsi haddaan la galin dhaxanta, waa lagu duloobaaye

  • Dabaylihiyo fooraa la tagi daar, waxaan galine

  • Deyrodhaafyadaan shidahayaa, dogobyo waaweyne

  • Dubaax ma aha xaajada midaan, diirka ka cadayne

  • Diirsimo halkii aan ahayn, waa siddii danafe

  • Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka idhaahdo

Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay maqlaan magaca iyo martabada uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi  inay isweydiiyaan: “muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan ee aan cid kale la wadaagin?”  Haddaba suuragal ma aha in qormo qudh ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey, haseyeeshee waxaan isku dayeynaa in aan guudmaro dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u diiday gumaysiga dhinac walbana ka wareemay.

  • Guutadii lasoo dumay haddii nalagu soo duushay

  • Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dulgowriirshay

  • Dildilaaca waaberi haddii nalagu sii daayey

  • Annagoon digniin qabin haddii nala dabaalsiiyey

  • Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay

  • Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay

  • Qayladu daluuntaye haddii nala dareensiiyey

  • Degdeg inaan usoo roorro waa dawlad alabkeede

  • Ma dul keenay kuman duubcadoo wada Daraawissh ah

  • Digri markuu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu

  • Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene

  • Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay 

  • La Soco Qaybta 2aad
  • Mohamed Bashir Nur
  • Nuur_giriig1@hotmail.com