“Madaxda Haatuf Maxkamadda oo u janjeedha dhinaca Xukuumadda ayaa lagu dabay..” Garyaqaan Xasan

Hargeysa (AFN)- Qareenka u doodaya Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ee loo taxaabay xabsiga iyo Ururrada Xuquuqda Aadamaha, ayaa ku eedeeyeen Xukuumadda Somaliland inay faraha kula jirto oo ay ku tumatay madaxbanaanida garsoorka.

Shir jaraa’id oo ay shalay qabteen xubnahani ayaa waxa ay kaga hadleen in aan si cadaalad ah loo qaadin kiiska masuuliyiinta Haatuf, isla markaana la handaday oo afduub meesha ka dhacay.

Qareenka u doodaya masuuliyiinta Haatuf Xasan Cali Banfas iyo xubnaha ka socday xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa labaduba waxa ay ku tilmaameen in wixii shalay meesha ka dhacay uu ahaa afduub.

Garyaqaan Muuse Yuusuf oo ka socday xuquuqal iinsaanka ayaa ku eedeeyay xukuumada inay si toos ah faraha ugula jirtay, isaga oo xusay in marnaba aan loo ogolaan qareenada Haatuf inay hadlaan oo garsoorku uu noqday mid u xidhan dhinaca xukuumadda.

Qareenada masuuliyiinta Haatuf ayaa waxa ay sheegeen inaanay ka hadhayn oo ay u gudbin doonaan haayadaha kale sida maxkamada sare islmarkaana aanay ogolaanayn in dacwadani ku soo noqoto maxkamada gobolka.

Gabagabadii qareenada iyo xubanaha ka socday xuquuqal iinsaanka ayaa soo jeediyay in aanay xukuumaddu ku tuman dastuurka iyo madaxbanaanida garsoorka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xassan Maxmed Yuusuf ayaa si adag u canbaareeyay talaabada xabsiga lagu geeyay masuuliyiinta Haatuf oo hore Wargeyskoodda loo xayiray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.