Kulan Muqdisho ku dhexmaray Guddiga Farsamada Doorashooyinka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay

Muqdisho (Aftahannews) – Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka.

Guddiga farsamada iyo kooxda ka socotay Qaramada Midoobay, ayaa ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka iyo dardargelinta howlaha lagu taageerayo dadaalada uu doonayo in Raysal wasaaraha Soomaaliya uu dalka uga qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada arrimaha doorashooyinka, ayaa u balan qaaday guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka inay ka taageeri doonaan sida ugu wanaagsan ee loo hirgelin lahaa doorashooyinka Soomaaliya.

Guddigan farsamada doorashooyinka Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay Raysal wasaare Rooble, ayaa wada dardargelin ku aadan howlaha uu u xilsaartay Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka mid ahayd xoojinta xidhiidhka Xafiiska Raysal wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyda iyo Beesha Caalamka.