Somaliland: Maxkamadda Sare oo Soo Saartay Jadwalka Natiijada doorashada

Hargeysa (aftahannews):- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa waxaa ay maanta soo saartay jadwalka rasmiga ah ee ansixinta natiijada doorashada Goleyaasha Deegaanka ee 20-ka degmo doorasho ee dalka.

Jadwalkan ansixinta natiijada doorashada ee goleyaasha Deegaanka, ayaa waxaa soo gudbiyay Maxkamadaha gobollada iyo degmooyinka dalka.

Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa sidoo kale jadwalkan ku socodsiisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa dhawaan loo gudbiyay natiijadii hordhaca ahayd ee doorashada golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada.