Duulimaadyadii Diyaaradaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u billowday

Garoonka Aadan Cadde
Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Aftahannews) – Duulimaadyadii diyaradaha Soomaaliya iyo Kenya, ayaa si toos ah u bilowday maantay oo Axad ah kadib markii ay hakad ku jireen muddo bil ah.

Garoonka Aadan Cadde
Garoonka Aadan Cadde

Dib u soo laabashada howlahii duulimaadyada diyaaradaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa imanaysa kadib markii maalmo ka hor dowladda Kenya ay shaacisay in dib u fasaxday isku socodka duulimaadyada diyaaradahii isaga kala gooshayay Soomaaliya iyo Kenya.

Wasaaradaha arrimah dibadda Soomaaliya iyo Kenya, ayaa qoraalo ka soo kala baxay Xafiisyadooda lagu sheegay in xidhiidhkii labada dal ka dhaxeeyay dib loo soo celiyay.

Khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo kenya, ayaa dhowr jeer oo hore sababay in hakad ku yimaadaan howlaha duulimaadyada diyaaradeed ee labada dal.