Madaxweyne Biixi oo loo soo Jeediyey inuu Abuuro Koomiishan Kobciya Arrimaha Haweenka & Doorashooyinkooda

Madaxweyne Biixi

Hargeysa (Aftahannews) – Siyaasiga Cabdilaahi Axmed Maxamed Ismaaciil (Daamur) oo ka mid ah Hoggaanka Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Doorasjooyinka dalka ka qansoomay, nidaamka ay Shacabku codkooda u dhibteen, aqlabiyadda uu Xisbigoodu ka helay Baarlamaanka, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi, oo uu ugu baaqay inuu hoos u eego Beesha Sanaag Bari oo aan kursi ku yeelan Baarlamaanka.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Iyadoo aanay dalkeena ka dhicin Doorashooyinku, iyadoo aan la hadal hayn Doorashooyinka, iyadoo aan la mudayn Doorashooyinka oo xittaa aan Diiwangelin la qaban ayaan sannadkii hore ee 2020 bilawgiisi waxaan sii sadaaliyey in Doorashooyinkan isku sidkan ee kala ah Golaha Wakililada iyo Goleyaasha Deegaanka oo aynu mar wada qabsano, walibana ku qabsano 2021 inaynu ka helayno magac maamuus iyo inay Beesha Caalamku inagu qiimeeyaan nidaamkeena, qaranimadeena, qaddiyadeena iyo dimuqraadiyadda dalkeena ka jirta, maantana waxaan leeyahay Beesha Caalamka waad aragtaan qaabka quruxda badan ee aanu Doorashooyinkayaga u qabsanay ee aqoonsiga aanu xaqa idinku leenahay na siiya oo cid aan dalkayaga xukumin ha na daba wadina, ta kale durbaba way muuqataa siduu caalamku uga jawaabay mucjisadaa Geeska Afrika ka dhacday, waana la wada qiray inay dadkani bislaadeen”

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka wuxuu yidhi “Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa sida nabadgalyadu ku jirto ee Doorashooyinku inoogu dhaceen, Shacabkeenuna si qurux badan bay codkooda u dhiibteen,waana u mahadnaqayaa,Ciidamadeena sida wacan uga qayb qaatay sugida amaankana waan bogaadinayaa, Musharixiinteena soo baxay iyo Musharixiinta kale ee aan soo bixin waxaan leeyahay dhammaanteen waynu wada guulaysanay, balse ciddii Calaf ku leh ayaa soo baxday”

 Mar uu farriin u dirayey Madaxweynaha wuxuu yidhi “Alle mahaddii kadib, waxaa mahad leh Madaxweynaha qaranka oo isagu u sabab noqday inuu hir geliyo mashruucan qaranka bilay, waxaan Madaxweynaha qaranka kula talin lahaa, Madaxweyne beel weynta Sanaag-bari deegaan ahaan ku nool oo ah Beel iyo Bulsho aad u fiican, nasiib umey helin in ay golaha baarlamanka ku yeeshaan cid u metesha, markaa waxaa habboon inay si kale oo dheeraada qaranka uga dhex muuqdaan, waxaa kale oo calaamad wanaagsan ah in la abuuro koomishan kobciya arrimaha haweenka iyo doorashooyinka khuseeya, komishankaana loo dhiibo Sucaad oo iyadu ah gabadh u qalanta xog badana haysa doorashadiina weyday xubinimadii, duniduna ay ka war qabto beddelkii u samee Madaxweyne. dalkey qiima u leedahay arintaasi..”

Siyaasi Cabdilaahi Daamur ayaa sidoo kale wuxuu sheegay talooyin iyo dardaaran u soo jeediyey Muddanayaasha kala duwan ee soo baxay waxaanu ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkooda si wacan ugu shaqeeyaan,waxaanu tilmaamay inuu soo dhaweeynayo in Xisbigiisu Muddanayaasha ugu badan ku yeesho Wakiilada.