Maxay ka Wadahadleen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo James Swan?

Ra'iisal Wasaare Rooble iyo James Swan
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo James Swan

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Ra'iisal Wasaare Rooble iyo James Swan
Ra’iisal Wasaare Rooble iyo James Swan

Kulankan, ayaa lagaga hadlay howlaha doorashooyinka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, dhamaystirka guddiyada doorashooyinka, waxaana uu Ra’iisal wasaarahu sheegay in dhankiisa ay ka go’an tahay in wakhtiga aanu dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dardar-gelintooda gacan laga gaysto.

Waxaa kulankan uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’iisal wasaaruhu kuwaas oo ka shaqayn doona arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Waxaa sidoo kale  kulanka lagaga hadlay sida laysaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka fatahaadaha deegaanada Hirshabelle oo uu Ra’iisal wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhakhso ah kaalmo loola gaadho dadka ku nool tuulooyinka ay daadadka Wabiga Shabeelle ku dhufteen.

Qodobada kale ee si weyn lagaga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xidhiidha amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd Hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka 9 xubnood oo Ra’iisal wasaaruha uu hogaaminayo kuwaas oo isugu jira dhinacyo kala duwan.

Ugu dambeyntii kulanka Ra’iisal wasaare Rooble iyo James Swan, ayaa waxaa lagaga hadlay cudurka Coronavirus iyo sidii loo dardargalin lahaa tallaalka COVID-19,  loona sameyn lahaa wacyi galin ballaadhan iyadoo hoosta laga xariiqay in si guud dadka loo gaadhsiiyo tallaalka maadaama ay dhici karaan Hirar iyo soo laba kacleynta caabuqa Coranavirus.