Shirkadaha Isgaadhsiinta Soomaaliya oo Adeegaydood ku soo kordhiyey farriimo dhiirrigelinaya Al-Shabaab

Muqdisho(Aftahannews):- Shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka howlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa bilaabay inay shacabka isticmaala talefoonnada shirakadaha  ay u fasaxaan codadka ay caanka ku yihiin dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay ku baraarujiyaan Al-shabaab ee sheegta inay jihaad ku jiraan, balse ka mid ah Ururrada Al-Qaacida ka tirsan ee Geeska Afrika.

   ote

 Mobile-internet-2w4dtaqfr7tfbwpiiidwju

Cododkan oo ay ug magac dareen shirkadahu ILAMAQAL codadka jihaadka oo dhowaan lagu kordhiyay shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka somaliya  ayaa loo adeegsadaa taleefonada gaar ahaan soo dhicista iyadoo codka jihaadku baxayo inta Mobilka laga qabanyo .adeegan oo ka mid ah adeegayda ILAMAQAL

Ee qofka tilfoonka gacanta sita ka dalbado codka uu rabo ayaa kani kaga duwan yahay cododka kale ee ILAMAQAL iyadoo qofku hadii uu dalbado aanu dib uga noqon karin

“Walaahi waan ka walaacsanahay in mar kale ay dhegaheygu maqlaan codadka ay isticmaalaan kooxaha sheegta inay yihiin jihaadiistayaasha caalamiga ah kuwaasi oo lug ku leh dhibaatada maanta uu somaliya la ciir ciirayo.” ayay tidhi Haweeney qarisay magaceeda oo deggan magaalada Muqdisho oo la hadashay qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl gasha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, borogaraamkaan oo codadka lagu magacaabay jihaadka loogu fasaxay shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa walaac weyn ka muujiyay aqoonyahanada, waxgaradka, bulshada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, taasi oo aragtiyo kala duwan oo laga soo ururiyay ay muujineyso shakigii laga qabay in shirkadaha isgaadhsiinta ay taageeraan kooxada Alshabaab ee dagaalada ka wada Soomaaliya.

Shirkada Isgaadhsiinta Ee Horumuud Oo ka mid ah Daladda Barkaat Ama Bahwadaagta Telesom iyo Golis ayaa iyagu bixiya Adegaan codadka ee ila maqal oo inta badan looga bartay Quraan Ducooyin ,Nashidooyin iyo sugaan oo inta badan bulshada isticmaasha Sim Card shirkadaha looga bartay ayaa adegaani waxa uu shaki ka abuuray dadka ku nool dalka somaliya

 Aftahan News

Mohamed Bashir Nuur Giriig

Nuur_giriig1@hotmail.com