Khilaafkii ka taagnaa Maayirnimada Caasimada Hargeysa oo la soo afjaray

Hargeysa (Aftahannews) – Waxaa si rasmi ah maanta gelinkii dambe loo soo afjaray khilaafkii mudada badan taagnaa ee loogu jiray Maayirnimada Caasimada Hargeysa.

Khilaafkan loogu jiray Maayirnimada Caasimada Hargeysa, ayaa waxaa uu u dhexeeyay Cabdikariin Axmed Mooge ah murrashax ka soo baxay Xisbiga Waddani iyo Siciid Cabdisamad (Siciid Cudhay) oo isna ka soo baxay xisbiga Ucid.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa soo afjaray khilaafkaasi mudaba ka taagaanaa Maayirnimada Caasimada Hargeysa, isagoona guddoomiye Faysal sheegay in ka xisbi ahaan ay uga tanaasuleen Maayirnimada Cabdikariin Axmed Mooge.