Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Warbixin ka Dhagaystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashada

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews) – Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa warbixin ka dhageystay guddiga xaqiijinta guddiyada doorashooyinka, isagoona faray in habraaca hubinta la mariyo xubnaha cusub ee maamul goboleedyada soo magacabeen.

Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble

Guddoomiyaha guddiga xaqiijinta guddiyada doorashada, ayaa sheegay in maamulada intooda badan ay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada ee badeli lahaa kuwii hore lagaga saaray guddiyada.

Raysal wasaare Rooble, ayaa sidoo kale warbixino kala duwan uga dhageystay Golaha Wasiiradda Soomaaliya shirkoodii todobaad laha ahaa, kaasoo looga hadlay xaalada guud ee amniga dalka, Covid-19, gurmadka Abaaraha iyo Fataahaadaha.

Gabagabadii Raysal wasaare Rooble, ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dhiman inay si deg deg ah u soo dhameystiraan xubnaha badali lahaa xubnahii lagu helay eedeymahii loo soo jeediyay.