Waalidiin Ubadkooda la Geeyey Eritrea oo Muddaharaad ka Sameeyey Muqdisho

Muddaharaadka Waalidiinta
Muddaharaadka Waalidiinta

Muqdisho (aftahannews):- Muddaharaad  lagaga soo horjeedo dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalka Eritrea Tabobbar Ciidan loogu qaaday kadibna laga qeybgaliyay dagallada waqoooyiga Ethiopia ka socda ee lagula jiro Ciidammada Tigrayga, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Muddaharaadka Waalidiinta
Muddaharaadka Waalidiinta

Waalidiinta dhalay dhalinyaradan, ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaliya in ay Itoobiya heshiis kula gashay in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda dalkeeda ee loogasoo horjeedo jabhadda TPLF.

Mudaharaadkan ayaa ka dhashay warbixin kasoo baxday qaramada Midoobay oo lagu xaqiijinayay jiritaanka in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar ku qaatay Eritrea ay ka dagaalameen Ethiopia.

Waalidiinta oo dareen carro leh uu ka muuqday ayaa dowladda si degdeg ah uga dalbaday in carruurtooda loosoo celiyo, waxayna tilmaameen in la qiyaanay oo ilmahooda been loo sheegay.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda jawaab ka bixiso warbixinta UN-ka kasoo baxday islamarkaana ay waalidiinta siiso jawaab rasmi ah oo ku saabsan xaaladda ilmahooda.

Xigasho Hiiraan.com.