Kenya oo Sheegtay inay dib u furtay Duulimaadyada Soomaaliya ee ay hore u joojisay

Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya
Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (aftahannews):- Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay inay dib u furtay duulimaadyadii dalkaas uga iman jiray Soomaaliya iyo kuwii tegi jiray.

Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya
Kenya oo Hakisay Duulimaadyada Soomaaliya

Kenya ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad, kuwa diblomaasiyadeed iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inay go’aanka qaadatay, ayada oo la eegayo dhex-dhexaadin la sameeyey. Kenya ma shaacin cidda sameysay dhex-dhexaadinta.

“Tallaabadan niyad-wanaagga ah waxaa la qaatay ayada oo la eegayo danta labada dal iyo in la rajeynayo inay horseedi doonto in si buuxda loo caadiyeeyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku jirto diblomaasiyadda, ganacsiga iyo xiriirka shacabka labada dal,” ayaa lagu yiri qoraalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in shuruurdda kaliya ee laga doonayo dhammaan dadka ka imanaya Soomaaliya ee soo galay Kenya ay tahay inay sitaan shahaadada tijaabada COVID-19 ee muujineysa inaysan cudurka qabin, marka laga reebo ilmaha da’doodu ka yar tahay shan jirka.