“Anigu Maayer kasta oo la doorto waan xukumayaa uun amma…” Wasiir Maxamed Kaahin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa(aftahannews):- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Golayaasha Deegaanka sharci ahaan ay hoos yimaaddaan wasaaradda uu Wasiirka ka yahay, isla markaana Maayer kasta oo magaalo kasta oo dalka ah loo doorto hadduu Mucaaradka ka soo baxay iyo hadduu Muxaafid ka soo baxayba uu isagu maamuli doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed waxa uu arrintaas iyo qodobbo amniga la xidhiidhaba kaga hadlay kulan uu Madaxweynaha Somaliland gelinkii dambe ee Arbacadii maanta ugu yeedhay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge oo ku guulaystay inuu codkii ugu badnaa guud ahaan doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo wakiillada Somaliland kaga mid noqday Xildhibaannada cusub ee loo doortay golaha deegaanka Hargeysa, doonayana Maayerka Hargeysa oo uu ku ololeeyey, laguna doortay.

Kulankaas oo Madaxweyne Muuse Biixi kaga jawaabay baaq Cabdikariin Axmed Mooge u diray maanta, waxaana ka qaybgalay Xildhibaannada cusub qaarkood iyo xubno Wasiirrada ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo kulanaas ka hadlay, ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ee xukuumaddu tahay in tartankii quruxda badnaa iyo doorashadii dalka ka qabsoontay aan la nashuushadayn, islamarkaana cid waliba xaqeeda hesho.

“Anigu Maayer kasta oo la doorto waan xukumayaa uun, ama Kulmiye haka soo baxi ama Waddani haka soo baxo ama UCID haka soo baxo…” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.