Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay Iskaashiga labada dal

Muqdisho (Aftahannews) – Wefdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ee maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho, ayaa la kulmay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Rooble Cabdixakiin Xasan Ashkir, ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho wefdiga ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdiga Sacuudiga, ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulanka, ayaa intuu socday waxaa diirada lagu saaray sidii dib loogu furi lahaa Safaarada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ku leedahay wadanka Sacuudi Carabiya, waxaana la sheegay in la isku afgartay dib u furista Xarunta Safaaradda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe xirneed.

Wefdiga Boqortooyada Sacuudiga, ayaa uga mahadceliyay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, iyagoona balan qaaday iney sii kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.