Ururka Qareenadda Somaliland oo Sheegay inay ka xunyihiin in Haweenku wax Matelaad ah ku Yeelan waayaan Golaha Wakiillada

Hargeysa (Aftahannews) – Masuuliyiinta ugu sarreysa ururka Qareenadda Somaliland ee SOLLA, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in aan haweenka Somaliland wax matellaad ah ku yeelan golaha wakiillada Somaliland isla markaana ay guud ahaan ka hadheen doorashadii dalka ka dhacday marka laga reebo golaha degaanka.

Ururka Qareenadda Somaliland ee (SOLLA) ayaa xukuumadda ugu baaqay dadejinta qabashada doorashada golaha guurtida, taas oo ay sheegeen in ay muhiim u tahay geedi socodka dimuquraadiyadeed ee dalka.

Dhanka kale waxa ay boggaadiyeen guddida doorashooyinka, bulshada qaybaheeda kala duwan, ciidamada qalabka sida sidii wanaageyd ee ay uga qayb qaateen qabsoonimada doorashadii dalka ka dhacday.

Guddoomiyaha ururka Qareenadda Somaliland Xasan Cabdillaahi Cawaale isaga oo ugu horrayn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Ururka  Qareenada Somaliland waxaa uu xog ogaal dhaw u yahay doorashadii 31-kii bishii ina dhaaftay dalka ka qabsoontay, waxaanu rurku caddaynayaa in doorashadaasi ay ka madax bannaaneyd faro-gelin  guddida doorashooyinkuna ay qaateen door aad iyo aad mihiim  u ah isla markaana dhex dhexaadnimo ah suuragaliyayna in doorashadaasi dalka ka qabsoonto, farxada iyo damaashaadkana waanu la wadaagna bulshada”

Guddoomiye Xasan ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin in aan haweenka Somaliland wax matellaad ah ku yeelan golaha wakiillada Somaliland isla markaana ay guud ahaan ka hadheen doorashadii dalka ka dhacday marka laga reebo golaha degaanka. “Waxaa ururku aad uga xun yahay dhammaan xubnihii haweenka ahaa ee isu taagay doorashada golaha wakiillada iyo degaanka in aanay soo bixin intoodi badneyd, waxaanu leenahay haweenka reer Somaliland xaq ayay u leeyihiin in ay ka qayb qaataan talada dalka, sida uu dastuurkeenuba dhigayo, waxaananu soo jeedinayna in tallo Qaran la isugu yimaado laguna furdaamiyo caqabadaha jira, ee dumarka u suuragelin waayay in ay ka qayb qaataan talada dalka”

Xughayaha guud ee ururka Qareenadda Somaliland ee (SOLLA), Xuseen Maxamuud Fadal, ayaa xukuumada ugu baaqay in ay soo dedejiso qabashada doorashada golaha guurtida waxaanu yidhi. “Waxaanu ka urur ahaan xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, in ay ku dhiirato sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada golaha guurtidu, oo iyaduna aad mihiim ugu ah hannaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland, maadama ay doorashooyinkii kale si fiican innoogu qabsoomeen”