Siyaasiyiintii iyo Haldoorkii Taageeray Barkhad Batuun oo kulan lagu Maamusay

Hargeysa (Aftahannews)- Boqor Axmed Iimaan Warsame oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa maanta munaasibad hadhimo-sharafeed ah ku maamuusay Haldoorkii iyo Siyaasiyiintii taageerada u muujiyay Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ahaa murrashaxiintii ku soo baxay doorashadii goleyaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay dhowaan.

Waxaana hadhimo sharafeedkan oo ka qabsoontay magaaladda Hargeysa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madax-dhaqameed, Saxafiyiin, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.