Midowga Murashaxiinta Soomaaliya oo Saddex Isbaahaysi u kala Jabay

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyay in Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay u kala jabeen saddex qeybood waxaana lagu sheegay sababta kala qeybisay ay tahay arrimo la xadhiidha arrimaha doorashada Soomaaliya. 

Midowga Musharaxiinta Soomaaliya
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya

Ilo-wareedyada, ayaa intaa ku daraya in dhinacyadan ay isugu dhawaadaan qabiil ahaan iyo qaar isugu dhawaaday isbaddel doon dhiig cusub ah ama siyaasiin cusub ah. 

Murashaxiinta kala ah Maxamed Siiriin, Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinuur Maxamed, ayaa la sheegay in sameysteen isbaheysi cusub kadib kulan ay dorraad ku yeesheen Nairobi. Murashaxa kale ee Dr. Cabdinaasir Cabdulle oo kulankaasi qeyb ka ahaa ayaa la sheegay in uu ka cudurdaartay isbaheysigaas inkastoo uu ku jiro mid kale. 

Sidoo kale, siyaasiga Daahir Sheekh Maxamuud Geelle, Dr. Cabdinaasir Cabdulle, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa dhankooda sameestay isbaheysi cusub, halka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Khayre ay dhankooda noqdeen isku dhinac.

Waxaa kale oo ay wararku intaa ku darayaan in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ka cudur daartay isbaheysi cusub oo laba jeer loo soo bandhigay waxaana la sheegay in uu kaligii yahay Murashax taagan inkastoo uu ugu dambeyn ku qasbanaan doono in uu isbaheysi sameesto. Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ah Murashax kaligii taagan oo aan isbaheysi qeyb ka aheyn. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Axaddii noqday musharax kaliya ee si cad uga soo horjeestay go’aanka guddiga uu magacaabay Rooble ay 34 xubnood uga saareen guddiga doorashada, isaga oo dalbaday in dhammaan 67-ka xubnood laga saaro, halka inta badan musharaxiinta ay soo dhoweeyeen ama ka aamuseen.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Madaxweyne Farmaajo awooda doorashada Soomaaliya ku wareejiyay Rooble waxaa jiray kala fur furnaan mucaaradka dhaxdiisa ah, maadaama ay soo dhowaatay doorashada, oo musharax kasta uu loolan iskii ah galayo.