Wasiirka Xaglo-toosiye oo dhagax-dhigay Dhisme lagu kordhinayo Cusbitaalka TB-da ee Buuhoodle

Buuhoodle(AftahanNews):- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo wali ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa maanta kormeeray Cusbitaalka TB-da ee Buuhoodle oo uu dhagax-dhigay dhisme lagu kordhin doono Cusbitaalkaas.

xagaaa

 Cisbitaalka TB-da ee Magaalada Buuhoodle, oo haatan shaqeeya ayaa waxa Wasiirka warbixin ka siiyay Xaaladdiisa iyo adeegyada uu bixiyo Dr Axmed Faarax Nuur, oo ka mid ah Dhakhaatiirta Cisbitaalka ka hawl-gasha.

Axmed ayaa sheegay in Cisbitaalku bulshada deegaanka u fidiyo adeegyo daruuriya oo daaweyn iyo shaybaadh isugu jira, waxyaabo badan oo ka dhiman oo uu u baahanyahayna ay jiraan.

Wasiirka ayaa soo kormeeray dhamaanba qaybaha kala duwan ee Cisbitaalku ka koobanyahay, kuwaasoo isugu jira waadhadhka Bukaanka, Shaybaadhka, qaybta Daawooyinka iyo Xafiisyada.

Wasiirka ayaa kormeerkaasi ka dib, waxa uu dhagax dhigay qaybo cusub oo lagu kordhijnayo Cisbitaalka, kuwaasoo ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ku kordhinayso.

Wasiir Saleeban Ciise Axmed ayaa mashaariic kale hore uga dhagax dhigay deegaamo hoos yimaada Magaaladan iyo kuwo gudaha Magaalada laga hir-gelinayo, kuwaasoo u badan xarumo Caafimaad oo baahi weyn loo qabay.

Dhaqaalaha ku baxaya Mashaariicdan ayaa waxa bixinaya Dawladda Somaliland, taasoo sanad Miisaaniyadeedka 2014 deegaamada Buuhoodle ugu dartay lacag gaadhaysa Nusmilyan Dollar oo lagu horumarinayo Kaabeyaasha adeegyada aasaasiga ah.

 Aftahan News

Mohamed Bashir Nuur

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.