Qaramada Midoobay oo Xaqiijisay in Askar Soomaali ah laga qayb geliyay Dagaalkii Gobolka Tigray

Askarta Soomaaliya
Askarta Soomaaliya

Asmara (Aftahannews) – Warbixin ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey, ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig milateri oo ku yaalla Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Askarta Soomaaliya
Askarta Soomaaliya

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gadheen warar sheegaya in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.

“Waxaan helnay macluumaad iyo warar ku saabsn in ciidamada Soomaaliya laga soo daabulay saldhig milateri oo ay tababar ku qaateen oo ku yaalla Eritrea si ay ugu biiraan dagaalka Tigray, waxaana la socday ciidamo Eritrea ah.” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxay hay’adda intaas ku dartay: “Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo Soomaali ah lagu arkay magaalada Aksum”.

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya, ayaa hore u beenisay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eretrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itobiya.

Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa sidoo kale ku xusan inay heleen warar ku aadan in xafiiska arrimaha dibadda iyo guddiga gaashaandhigga ee baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen madaxweynaha in xaqiiqo loo diro Eritrea si loo baadho in ciidamo Soomaali ay ka dagaallameen gobolka Tigray.

“Qaramada Midoobey waxaa lagu wargeliyay in xafiiska arrimaha dibadda iyo guddiga baarlamaanka u qaabisan arrimaha gaashaandhigga in madaxweynaha ay ugu baaqeen in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro Asmara, si ay baadhitaan ay ugu sameeyaan arrinta,” ayaa lagu yidhi warbixinta.