Madaxweynaha Faransiiska oo Wejiga laga Dhirbaaxay

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron

Paris (Aftahannews)- Laba nin, ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wejiga ka dhirbaaxay, sida wararku sheegayaan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron

Muuqaal dhex wareegaya baraha bulshada waxaa la arkay madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme.

Kadib nin, ayaa wejiga ka dhirbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta. Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay.

Labo nin, ayaa dhacdadaas loo xidhay ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan.

Markii dhirbaaxadu ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay “ha dhoco macron”.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron, ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen.

Hoggaamiyaha Midigta-Fog, Jean-Luc Mélenchon, wuxuu Twitter-kiisa soo dhigay “inuu u damqaday madaxweynaha” isla markii ay dhirbaaxadu ku dhacday.