“5-qodob aan kusoo koobo doorashadii dhacday” WQ: Faysal Barre

ASTAANTA SADDEXDA XISBI EE SOMALILAND
ASTAANTA SADDEXDA XISBI EE SOMALILAND

5-qodob aan kusoo koobo doorashadii dhacday

1-Waxa dhacday doorasho, u dhacday si aan laga filayn. Dadka badankoodu kumay kalsoonnayn in doorasho sidan ahi dhacdo, dhawr sababood darteed, MW Biixi oo aan lagu kalsoonnayn in uu madaxbannaani siin doono GDQ ee la saluugsanaa sida uu ku yimi. Waxay ahaayeen Guddi uu Riyo-raac majaraha u hayo oo xataa Agaasimaheeda Guud madaxweynuhu magacaabay. Se waxa dhacday si boqol jeer ka duwan sidii laga filayey, waxay ahayd mid taagan heerka ugu sarreysa ee lagu qiimeeyo ‘doorasho xor iyo xalaal ah.

 

2-Waxa dhacday doorasho rejo gelinaysa intii dhacday, intii aan ku kalsoonnayn hannaanka doorasho ee dalka iyo inta taageerta hannaanka dawladnnimo ee ku dhisan is doorashada xalaasha ah iyo talo-wadaagga.

3-Waxa dhacday doorasho, lagaga baxay curdinnimadii. Waxa si toosa loogu guurey nidaam dawladnnimo oo qaangaadh ah. Sida la ogyahay, dawladuhu curdinnimada waxay kaga baxaan rubuc qarni, in mar hore laga soo gudbo jidkaa ayay ahayd. MW Biixi wuxuu ku dhiirraday in sababteeda yeesho in heerkaa loo gudbo.

4-Waxa dhacday doorasho, meesha ka saartey sasabaad iyo isu sad burin. Cadaalad darradu waa kolka dadka badh laga caawiyo sidii ay dheriga lafta ugalasoo bixi lahaayeen, ha noqoto kooto loo xidho, isxambaar iyo waddo kale oo fududayn ah. Taasi dan umay ahayn dadkaa wax loo fududeeyey iyo qarankaba.

5-Waxa dhacday doorasho jeexday jid cusub, waa jidka ay kusoo baxeen Mooge, Batuun, Hero, Siciid Jama, Maxamed Abiib iyo Maydhane ikk. Waa mid mahaddeeda leeyihiin shacabkii muujiyey qaangaadhnimada iyo wacyigoodii korey. Waa jid lagaga baxay kala sarreyn iyo dabar qabiil, looguna gudbay doonis shacab iyo metelaad dhab ah.

Ugu dambayn, inta dhacday ama inta aan helin metelaad; ha ogaadeen in talo xumo ay ku hadheen ama ku waayeen metelaadda. Hana u tashadeen doorashooyinka dambe.

Faysal Barre.