Xubin Baarlamaan oo Muxaafid ah (2010-2015) Q. 2aad Q: Xil. CRaxmaan Y. Cartan

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Intii aannu mucaaridka ahayn, waxan ahaa Shaabuug Hayaha Baarlamaan ee Xisbiga Kulmiye (Kulmiye Parliamnatry Whip) oo macnihiisu yahay isku xidhaha kooxda baarlamaanka Kulmiye iyo Xisbiga. Wixii talo baarlamaanka ka unkanta inaan ku wargeliyo xubnaha xisbiga Kulmiye, wixii talo xisbiga ka soo unkantana la socodsiiyo xildhibaanada Kulmiye.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Kaalintaydii Baarlamaanka Markii Kulmiye Xukunka yimid

Siday Shaabuug hayntaydii Baarlamaanku ku soo Afjarantay?
Markii Kulmiye Xukunka yimid, Shaabuug hayntaydii baarlamaanku way dhammaatay, waayo shirguddoonkii, xildhibaandii mucaaridka ahaa iyo qaar muxaafidkii ahiba madaxtooyadii bay isku shubeen. Xisbigii sidii uu u dhammaa madax iyo kaadirkii caadiga ahaa baa madaxtooyadii isku shubay.

Xitaa madax dhaqameedkii oo iminka dabaqad cusub noqday oo ku gaadhaan koofiyado dhaadheer iyo cimaamado rishwaan ah baa meel laga maro la waayey oo soo buux dhaafiyey madaxtooyadii.
Kuwii maalinimada meel ay madaxweynaha u maraan waayey habeenimadii bay soo buuxdhaafin jireen sida taliyeyaasha ciidamada iyo cid xil u doonaysaa.

Shaabuug haynta wax micno tiray markii ay meeshii ka baxday Baarlamaan iyo xisbi loo kala dabqaada oo siyaasad mideysan ku shaqeeya iyo iyadoo xisbigii iyo baarlamaankiiba ku xeroodeen madaxtooyadii. Yaa loo warrami, yaase laga warrami. Xisbigii mucaaridka noqon lahaa ee UDUB-na nasiib darro doorashada ka dib waa tii uu saqiiray. Wadani iyo UCID oo xulufo mucaarid ahaana, xukuumaddii cusbayd bay sii dhex boodeen.

Waxa dalkii ka samaysmay waxa u eg One Party System. Ama one administration without parliament and without political parties.

Nidaamka aannu shantii sano ee aan mucaaridka ahayn dhisaynay ee ku caano maalnay ee ka koobnaa xidhiidh xisbi iyo baarlamaan oo ahayd in la sii xoojiyo, iminka lagu daro xidhiid baarlamaan iyo xukuumadeed il-bidhiqsi buu ku burburay.

Markii Kulmiye xukunka yimid, Kaalintaydii baarlamaanku mid xeerar la samaynayo ku jihaysan buu noqday. Faham inuu sax yahay aanan hubin baa leh: “Dhaliilsha xukuumadda xisbigaaga kor looguma dhawaaqo, hoos baa loogu sheegaa.” Laakin waxa imanaysa xilli la karaahiyaysto qofka dhaliilo sheeggiisu badan yahay lagana soo dhoweysto ammaanta nacamlayaasha.

Rag dhalinyaro ah oo Madaxweyne Siilaanyo gacan yare u noqday oo aad u awood badan baa xukuumaddii ka dhex muuqday. Nin xildhibaan ah aan saaxiib nahay baa arkay talo la’aantayda, isna yidhi, “wallaahi haddii adiga iyo Cartan wax wada doonataan wax baa heli kartaan,” baa igu yidhi, “waar heedhe, saw tan dusheeni turubka lagu ciyaarayo, miyaynaan siyaasiyiin ahayn?”

Iyadoo iga daacad ah baan idhi, “maxaan samaynaa?” Kolkaasuu yidhi, “adigu miyaadan waxba doonayn?” wax aan ugu jawaabo baan garan waayey. Markaas iga dhaqaaqay. Xildhibaankii budh-kiisii buu nidaamkii jirey la dhexgaly wuxuna noqday ragga mafaatiixda nidaamka fura, qaarna gacanta ku haya.

Waxa qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.