Xubin Baarlamaan oo Muxaafid ah (2010-2015) Q: 1aad WQ: CRaxmaan Y. Cartan

Filed under: Aragtida Bulshada,Qalinka Qoraaga,Qubanaha |

Dareen: Shakhsiga Siilaanyo, (The Siilaanyo Factor) u malayn maayo xilliyada dhow, inuu jiri lahaa Silaanyo mooye siyaasi reer Somaliland oo Berbera ka xorrayn kari lahaa beeshii sheeganaysay, Cigaalna ku daroo. Waxan ka hadlayaa ku wareejintii dekedda Berbera DPWorld.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Sababtay taasi Siilaanyo ugu suuragashay ma ahayn xoog iyo cunfi uu isticmaalay, sirtiisu waxay ahayd, Siilaanyo laba meeloodba aragti ugaar ah buu kalahaa: 1. Casriyaynta dekedda Berbera uu u arkayey halbawlaha dhaqaale ee Somaliland. Wuxu qabay: “haddaad doonayso inaad Somaliland hormariso Berbera horumari.” Tan labaadna waxay ahayd waddada Ceerigaabo: “haddaad doonayso Somaliland hanaqaad gobolka ugu weyn ee Sanaag ku soo xidh Somaliland inteeda kale.”

Ugu yaraan labadaas aragtiyoodba wuxu ku dhaqaaqay markii uu xukunka yimid, Ilaahayna ku astur oo labadii aragtoiyoodba midho dhal bay u muuqdaan.

U Dirirka Waa-cusub Somaliland u Berya:

Sidii dhallaanka baan moodaynay in marka xukuumadda Kulmiye qabato talada dalka, fuliso barnaamijyada noo qoran in Somaliland waa-cusubi u beryayo.

Shan sano kifaaxo mucaarid ah oo aan islahaa way ka tarjumaysaa ama way u qalantaa dhaxnatii aan u soo baxay ayaan soo jeexay. Xilligaa madaxweyne Obama ayaa isna u tartamayey, madaxweynenimda Maraykanka, halhayskiisii ahaa, Yes, we can change, baa qudhayada, malaha intayadii lab-la-kacu waday halhays u noqday. Haa, waynnu awoodnaa Isbeddel. Mooyi in wacyigaas reer Kulmiye oo dhammi wada wadaageen!

Guushii Qaradaweynayd (The Momentous Victory)

Markii Kulmiye xukunka qabtay, waa la wada nefesay (ciddii xil sugaysay ee waydey ma sheegin). Laakin, intii u haysatay in xukuumadaha isbeddelay ay keenayaan isbeddel dhab oo ka tarjumaya, yes we can, waa awoodnaa isbeddel.

Hal Talo ayaan Madaxweyne Siilaanyyo u soo Jeediyey.

Madaama, haynteenu yar tahay, madaxweynuhu ha abuuro guddii ka kooban farsamo-yaqaano kala takhasus ah oo diyaariya meelaha qaran ahaan mudnaanta kowaad xukuumaddu siinayso (priority areas). Wasaarad kastaa loo qoondeeyo qaybta kaga aadan mudnaanaha qaran. Wasaarad kastaa dejiso 3 billood, 6 billod sanadka kowaad, waxay ka qabanayso mudnaanihi lagu heshiiyey ee iyaga khuseeyey.

Saddex bilood kasta/ama lix bilood kasta ay wada fadhiistaan Guddidii Waxyaqaanka iyo wasaaraddu oo laga eegayo halkay marayso fulinta mudnaanihii lagu heshiiyey. Hadal keliya lagu qanci maayee, hubintu waa, “i tus oo i taabsii.” Sida qaalibka madaxweynayaashu si toos ah ulama socdaan xaqiiqda wasaaradaha ka socda. Inta badan madaxweynuhu wuxu ku qanca warbixinta wasiirka oo sonkoraysan. Haddii ninka xilka hayaa xariif yahay hadalkeedba daa.

Waxay iga ahayd qaab aan madaxda sare cadaadis ku saarayo in shaqadooda isha lagu hayo laguna abaal marinayo waxa ka soo noqda. Iyo in lacagta yar ee ina soo gashaa, ay ku baxdo meeliba meeshay uga baahi weyn tahay.

Marka taasi maqan tahay waxa yaree ina soo gala waxay ku baxaan baabuur qaali ah oo masuuliinta dawladdu ku daansha-daanshooto, shidaalkooda dayactirkooda, qalabaynta xafiisyadooda iyado dhakhaso looga beddelo farniijarka kii hore oo aan duugoobin.

Daryeelka shaqaalaha lama tixgeliyo waa sida dhaqanka dawladeed inoo tisqaaday yahay.
Arrintaasi ma hirgelin dad badan oo madaxweynaha ka ag dhowaa baa arrintaa u arkay inay awooddoda waxyeelayso. Dee riyo ayay ahayd, cidina riyo waqti iskagma lumiso.

Waxa Qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.

You must be logged in to post a comment Login