Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo wadahadal uga bilaaban doono Garowe

Garowe(AftahanNews):- Bishan May 15-keeda, ayaa lagu wadaa in Magaalada Garowe uu ka bilowdo wadahadal dhexmara Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedka Puntland,  wadahadaladaas oo ay hoggaamin doonaan Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed.

gaas-iyo-Cabdiwali-sheikh

Warar hordhac ah oo ay heleen qaar ka mid ah warbaahintu ayaa sheegaya in Wadahadalka u bilaabanaya  xukuumada raysalwasaare Cabdiweli sheekh iyo puntland ayaa waxa  lagusoo bandhigi doono laguna falanqayn doono qodobo dhowra oo ay kamid yihiin..

  • Heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Dowlada Federaalka
  • Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo waxlaga badalay iyadoon Puntland lagala tashan
  • kaalmada dibada ee Soomaaliya hesho sida loo qaybsado
  • Xidhiidhka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland
  • Dardar galinta Dhismaha Maamul Goboleedyada iyo kaalinta Dastuuriga ah
  • Kaalinta Puntland ay ku yeelanayso saamiyada Dowliga ah ee Dowlada Dhexe

Raysal wasaaruha dawalada somaliya ayaa wuxuu Garowe kusoo beegan yahay Arbacada 14 may 2014 , wadahadalkuna wuxuu bilaabanayaa maalin ka dib. kala soco aftahan news wixii war ah ee ka soo kordha

AftahanNews.com

Mohamed Bashiir Nuur  Giriig

Nuur_Giriig1@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.