Waxay ahayd Isniin! Qalinka Muuse Faarax Jaambiir

Muuse Faarax Jaambiir
Muuse Faarax Jaambiir

ISNIIN. Waxay ahayd Isniin maalmaha kale ka tilmaaman. Waxay kulmisay laba dhacdo oo taariikh ahaan is dhalay. Mid, iyadaa dihatay (31.May.2021), midna tirsiimada xuskeedaa (31.May.1988) kalkan ku soo beegmay.

Muuse Faarax Jaambiir
Muuse Faarax Jaambiir

Taasaa ka dhigtay maalin wayn oo foolatay taariikh hor leh oo taa hore dheecaankeedii ka soo jeeda, millay cusub noloshiina bilow u ah. Durba, waxa loogu yeedhayaa magacyo badan oo lagu bilayo; “Isniintii guusha /Gargaara/Gurmad Eebbe/Kaafiya….”

Halku dhegyada dadku ugu yeedhayeen intaa waa ka badnaayeen, waxse xaqiiqo ah, in maalintani beenisay dardaar werintii hore, isla markaana ay ka jawaabtay sugaalkii iyo samirkii dheeraa. 1.3 milyan oo qof dad tiradoodu gaadhaysay oo reer Somaliland ah, ayaa maalintan u dareeray cod bixinta laba doorasho oo isku sidkan(Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanada).

Somaliland, horeba waxay u ahayd dal doorasho, balse waa markii u horaysay ee hal mar la qabto laba doorasho oo isku sidkan, tirada codeeyayaal farahaa lihina ka qayb galaan. Sidoo kale, waa markii u horaysay ee Somaliland jeebkeeda tijaabiso.

Awal hore, taageerada beesha caalamka ayaa kaalin wayn ku lahayd qabsoomida doorashada, hadase, xukuumadda Madaxweyne Biixi ee talada dalka haysa ayaa beenisay isku halaynta qoondada shisheeyaha. Waxay ku guulaysatay inay bixiso boqolkiiba 76% dhaqaalihii ku baxay doorashada, diiwaangelinta cod bixiyayaasha, qaybinta kaadhadhka iyo guud ahaan hawlaha la xidhiidha. Halka qaadhaan bixiyaasha oo doorkan Taiwan ku biirtay ka bixiyeen 24%. Intii ka horaysay doorashadan isa saarka ah, Somaliland doorasho kasta gaarkeedaa loo qaban jiray, dhaqaale ahaana 25% ayay bixin jirtay, halka beesha caalamku 75% kale ka kabi jirtay.

Haatan, talaabadan middaynta doorashooyinka iyo isku tashiga kharashku, waa xujo cusub oo sii siyaadinaysa culayska bidhaantan casriga ahi horeba ugu haysay caalamka ay qiraalka ka sugayso.

Mucjisooyinkan, ilbaxnimada iyo xaqa nolosha bulsho ka turjumayaa, waxay ka dhacayaan bar muhiim ah oo is aqoonsan balse aan la aqoonsan, waxaana ku xeeran dhaqamo ku cadanyooda nidaamka is doorashada xorta ah ee ay ku nool yihiin. Ka hor doorashooyinka tooska ah, Somaliland waxa ka dhacay 5 doorasho oo dadban.

Tii ugu horaysay oo Burco ka dhacday May.1991, waxay beelaha Somaliland ku igmadeen, Madaxweynihii iyo baarIamaankii u horeeyay. Tii labaad oo Boorama ka dhacday May. 1993, waxay ergadii beeluhu ku doorteen Madaxweynihii labaad ee Somaliland, waxaana lagu soo xulay xubnaha Golihii labaad ee wakiilada. Tii sadexaad oo ka dhacday Hargeysa 1997, waxa mar kale dib loogu soo doortay inuu xilka sii hayo Madaxweynihii labaad, waxaana lagu soo xulay xubnaha Golihii sadexaad ee Wakiiladda.

Intaa kadib Somaliland waxay u gudubtay hanaanka xisbiyada badan iyo doorashooyinka tooska ah. waxaana ugu horeeyay aftidii dastuurka oo dhacday 2001. Taasi waxay albaabada u furtay dhicitaanka, todoba doorasho oo toos ah oo xilligaa ilaa hada ka dhacay Somaliland (3 doorasho madaxtooyo, 2 doorasho Baarlamaan iyo 3 Golayaasha deegaanka ah).

Tana, waa tii ugu waynayd ee dhacda taariikhda doorashooyinka Somaliland. Dhammaan, tacabkaa waxa sameeyay ummad aan is dayicin, bale, dunnidu hagratay, welina duudsi ku jirta.

Geedigaa dheer waxa u dhacay markhaati wayn oo caalamiya, tan Isniintii ee ugu dambaysayna waxay sii labanlaabtay. Sidaa darteed, waxa la dhawrayaa halka Somaliland uga dhaqaaqdo halkaa ay is keentay iyo waxa dunnida kale ka yeesho waxaa ay sameeyeen.

Qalinkii: Muuse Faarax Jaambiir.