Tirada Tahriibayaal ku naf-waayey Xeebaha dalka Libya oo ay Doonni kula qarraqantay

Tripoli(Aftahannews):- Ugu yaraan 36 muhaajiriin ah ayaa geeriyooday 42 qof oo kalena waa la’ yahay, ka dib markii doontii ay saarnaayeen Kula degtay Meel 50 KM u jirta Xeebta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya tahriibayaal

Ciidammada Ilaalada Xeebaha Liibiya, ayaa u gurmaday Doonta Qarraqantay oo ay saarnaayeen 130 Muhaajiriin Afrikan ah, waxaana la bad-baadiyey 52 ka mid ah, halka 36 Qof oo kale Meydkooda la helay, waxaana dadka ku dhintay ku jirta Haweenay Uur leh, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Ilaalada Xeebaha Liibiya oo maanta la hadlay warbaahinta dalkaas.

Kornayl Ayuub Kassem waxa uu sheegay in shilkani dhacay maalintii Salaasada ee todobaadkii hore meel Afar KM u jirta magaalada Garabulli oo dhinaca Galbeed 50 KM ka xigta Caasimadda dalkaas Libya.

“Waxaanu awoodnay inaanu badbaadinno 52 qof oo jinsiyado kala duwan isugu jira. 36 Mayd ah ayaanu helnay, 24 ka mid ahna maanta (Axad), ayaanu soo saarnay,” sidaas ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenku waxa uu ka soo xigtay dadka la badbaadiyey inay doonta Saarnaayeen 130 qof oo badankoodu u kala dhashay waddamada Burkina Faso, Cameroon, Gambia, Mali iyo Senegal, balse lama xusin inay ku jireen tahriibayaal Soomaali ah.

Sarkaalkani waxa uu ku sababeeyey shilka ku yimi Doonta tahriibayaasha Afrikaanka ahi saarnaayeen inay kala tirada badnaayeen tirada dadka la saaray iyo Xajiga doonida loogu talo-galay oo kala batay, taasina ay sababtay inay markiiba degto.

 

Xilliga uu shilkani dhacay oo todobaadkii hore ku beegnayd iyo maanta (Axad) oo dawladda Liibiya shaacisay warkan, waxa u dhexeeya muddo Lix maalmood ah.

Madaxa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka u qaabilsan dalka Liibiya, Othman Belbeisi, ayaa ku baaqay in xal deg-deg ah loo helo badbaadinta nolosha dadka muhaajiriinta ah ee dalkaas ku sugan.

Dalka Liibiya, ayaa sannadihii u dambeeyey marin qaaradda Yurub laga Galo u noqday boqolaal Kun oo Muhaajiriin Afrikaan ah oo baadi-goobaya nolol ka duwan ta ay dalalkooda ku haystaan, kuwaas oo doonyo aan tayadoodu wanaagsanayn kaga tallaaba Badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa Afrika iyo Yurub, waxaanay gaadhaan dalka Malta iyo jaziiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Boqolaal ka mid ah Muhaajiriinta ayaa sannad kasta ku geeriyooda doonyo ku Qaraqma biyaha Badda Mediterranean-ka.

In ka badan 22,000 muhaajiriin ah ayaa gaadhay dalka Talyaaniga ilaa bilowgii sannadkan, taas oo 10 jeer ka badan marka loo eego sannadkii hore ee 2013-kii.

Xigasho SOMALILANDPOST.NET