Xasan Sheekh oo halkii Farmaajo lagu Sadqeeyey u Safray xilli kacdoon Siyaasadeed ku furan yahay

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilli kacdoon siyaasadeed oo xoggani kaga furan yahay Xildhibaannada Baarlaamaanka safar ugu baxay gelinkii dambe ee maanta halkii lagu sadqeeyey, isla markaana lagu go’aamiyey go’aankii xilka lagaga tuuray Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, halkaasoo ahayd magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

MUZAVANI IYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay badi Bulshada Soomaaliyeed isku raaceen oo ay qireen inuu ahaa Raysal-wasaarihii ugu dedaalka iyo wax-qabadka badnaa ee soo mara dawladihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya, ayaa go’aankii lagu riday lagu gaadhay Kampala oo laga soo saaray wax loogu yeedhay Heshiiska Kampala, ka dib markii ay is khilaafeen Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, heshiiskaas oo dhigayey in Farmaajo Xilka iska casilo.

Inkasta oo ay Shacabka Soomaaliyeed dibed iyo gudo meel ay joogaan-ba ay ka soo horjeesteen, isla markaana muddaharaaddo ay ku diiddan yihiin in xilka laga qaado Farmaajo ay meel kasta ka dhigeen, haddana dhawaaqyadooda looma joojin ee waxa la hirgeliyey waxa heshiiska Kampala loogu yeedhay, sidaas ayaana xilka lagaga tuuray Farmaajo.

Haddaba, Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho, isla markaana booqasho hal maalin qaadanaysa ku tegay magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda ee Farmaajo lagu sadqeeyey.

Waxaa uu Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Kampala ku soo beegmay, xilli ay 133 Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ka codsadeen inuu Xilka Madaxweynennimo iska casilo, iyaga oo ku dooday inuu ku fashilmay wax ka qabashada nabadgelyada, dib-u-heshiisiiinta, hirgelinta ballan-qaadyo uu sameeyey markii la dooranayo iyo siyaasadda uu dalka ku hoggaaminayo oo uu ka duway sidii laga filayey sida ay ku eedeeyeen Xildhibaannadu Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Weftigiisa, ayaa waxaa Kampala ku soo dhaweeyay sida la sheegay Mas’uuliyiin sar-sare oo dowladda Uganda ka tirsan, Mas’uuliyinta Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo xubno kale, waxaana socdaalka Madaxweynaha ku wehliyaha Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana booqashadaasi ay tahay mid rasmi ah oo uu dhiggiisa Uganda ku soo marti-qaaday.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhigiisa dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, oo ay ka wadahadli doonaan sida la sheegay xoojinta xidhiidhka labada dal,  howlgallada Ciidamada qalabka Midawga Afrika ee dalka Soomaaliya ku sugan oo Askarta ugu badani ka socdaan waddanka Uganda, kacdoonka siyaasadeed ee ay Madaxweynaha ku abaabuleen Mudanayaasha boqolka ka badan ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, arrimaha gobolka iyo kuwa kale.

Inkasta oo ay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee gobollada dalka Soomaaliya ay dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka socdeen bannaan-baxyo lagaga soo horjeedo dalabka Xildhibaannada Baarlamaanku Madaxweynaha ugu soo jeediyeen inuu is-casilo, haddana waxay weli Mudanayaashaasi ku adkaysanayaan inuu Madaxweynuhu is-casilo, iyaga oo laba maalin ka hor si rasmi ah ugu gudbiyey Xasan Sheekh Maxamuud qoraalka ay ku dalbanayaan inuu is-casilo iyo lifaaqa eedaha ay u jeediyeen.

Lama Saadaalin karo halka uu ku dambayn doono kacdoonka siyaasadeed ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweynaha dalka kaga dalbanayaan inuu xilka iska casilo, iyada oo Xukuumadduna u muuqata inay isku dayeyso inay dhinaca Bulshada ka marto go’aanka lagu doonayo is-casilaadda.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya 1991-kii, waxay ahayd mid aan degganayn oo Mashaariic ahaan loo isticmaalo, isla markaana kooxda talada haysa mooyee hadba koox kale mashaariicaysato sidii ay cidda hoggaanka haysa karkaarka u weydaarin lahaayeen, si ay iyagu u helaan jaanis qasab ah oo ay Kursiga ku fadhiistaan ama Dhaqaale ay dhaqso uga helaan dhaq-dhaqaajinta siyaasadeed ee ay bilaabaan iyo kuwa dagaal ee ay abaabulaan-ba, mashruucaysigaas oo aan illaa hadda is-taagin ee wali ka socda dalka Soomaaliya, ee dhawr iyo labaatanka sano saldhigan la’.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.