Dammaashaad Aroos oo isu beddelay Dawakh Murugo badan

India(Aftahannews):- Nin soo xidhay dharka Sawir-qaadayaasha, ayaa galay gudaha Hool uu ka socotay dammaashaadka Xaflad Aroos, halkaasoo uu u beddelay madal dhiig ku daatay oo naaxdin badan ka dib markii uu dilay Aroosaddii loo xafladaynayey.

Arooskaas oo ka dhacayay dalka India, ayaa mar qudha isu bedelay goob argagax iyo ilintu qubato, markii uu ninkaasi toogtay Aroosadii oo farxad la wadaagaysay saygeeda.

Anurag Singh, waa ninkadilay aroosada, ayaa ku dooday inay khiyaamo kula kacay, sidaas daraadeedna uu kaga aar-goostay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.