Weftiga Oday-dhaqameedka Soomaaliya oo gaadhay magaalada Boorama

Hargeys(Aftahannews):- Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee Arbacadii toddobaadkii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland oo ay maalmahanba ku sugnaayeen, ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, iyagoo dhawr jeer sheegay waxa ay tahay ujeeddada socdaalkooda oo dareen siyaasadeed ka abuurtay Somaliland.

ODAY XAAD

Haddaba, markii ay Weftiga Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Ganacsatada iyo Wax-garadka Soomaaliyeed ee ka yimi magaalada Muqdisho oo tiradoodu 45 xubnood ka kooban tahay, ayaa markii ay maanta gaadheen magaalada Boorama waxa ay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga waraysatay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo sidoo kalena Guddoomiye u ah Weftiga ku sugan Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada socdaalkooda ay ku yimaaddeen Arbacadii inna dhaaftay, kuna joogi doonaan illaa 18-ka bishan May oo ay Somaliland u dabbaal-degayso 23-guurada maalinta ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga.

Halkan hoose ee AFTAHAN RADIO ka dhegayso Codka Waraysiga laga qaaday Oday Maxamed Xasan Xaad.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.