Wefti IGAD iyo Soomaaliya ka socda oo Kismaayo kulammo kula yeeshay Maamulka Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka

Kismaayo(Aftahannews):- Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD iyo Masuuliyiin ka socda dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Juballand, waxaana Weftigaas si diirran Kismaayo ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubaland iyo dadweyne kale.

2014511635354034647076658DSC041142014511635354035352583584DSC04116 2014511635354036806724148DSC041602014511635354035754417511DSC04113

Weftigaas oo uu hoggaaminayo Ergayga Urur-goboleedka IGAD u qaabbilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, iyadoo ujeeddada imaatinka ay halkaas u tageen ku sheegay dardar-gelinta arrimaha dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka iyo weliba dhammeystirka Maamulka Jubbaland.

Weftigan ayaa kulammo ay albaabbada u xidhnaayeen gudaha garoonka kula qaatay Madaxda Maamulka Jubbaland, Odoyaasha Dhaqanka iyo Madax ka tirsan AMISOM, waxaana gabagabadii kulanka ay shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen Masuuliyiintani ay ku faahfaahiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Afeey oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubba, odoyaasha dhaqanka iyo masuuliyiintii ka socotay dowladda Soomaaliya ay kala hadleen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku kala sixiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, dardar gelinta arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka iyo weliba dhamestirka golaha baarlamanka ee uu yeelan doono  maamul goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale lataliyaha Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Max’ed Siciid Cumar oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in la dhameystiro arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, islamarkaana lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn ee uu hogaamiyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale), si buu yiri ay uu lugihiisa ugu istaago maamulka Jubba kahor inta aan la gaarin bisha Barakeeysan ee ramadaanka ee fooda nagu soo heeysa.

Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay qodobada la isku afgartay ay guul u yihiin guud ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka, isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’antahay in la dardar geliyo arimaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta deegaanada Jubooyinka.

Urur-goboleedka IGAD ayaa sheegay in bishan gudaheeda ay magaalada Kismaayo ka furan doonaan xafiis, kaasoo si toos ah ula shaqeyn doona maamulka Jubba iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in IGAD ay ka go’antahay ka miro dhalinta dadaallada nabadeed ee ra’isul wasaare C/weli uu ka bilaabay magaalada Kismaayo.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.