“Siilaanyo Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Biixi ayaa libtiisa leh, waxaan leeyahay mar uun abaalka gud laguguma aqoonne!.” Xasan Guure

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Maddasha Wadda-tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan  Guure Jaamac ayaa sheegay in Musharaxnimadda uu Toddobaadkii hore shaaciyay Guddoomiyaha  Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ay tahay mid uu xaq u leeyahay.

Xasan Guure oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu uga tanaasulo Muuse Biixi loolanka Madaxtnimadda Dalka, isla-markaana uu  is-garab taago sidda uu hadalka u dhigay halgan dheer Muuse Biixi u soo galay sidii Madaxweynuhu Siilaanyo u qaban-lahaa Hoggaaminta taladda Dalka.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Muuse Xaq-buu u leeyahay inu isa-sharaxo sidda Qof kasta oo Muwaadin ahi xaq ugu leeyahay iyo  Qof kasta oo Xisbiga ka mid ah la dooran karo isna wax doorran-karo. Xaq-buu  u leeyahay Musharaxnimaddiisa “

Xasan Guure waxa uu sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi uu halgan Siyaasadeed oo waao kala duwan xambaarsanaa la soo galay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Muuse Biixi 2003-dii Axmed Siilaanyo (Madaxweynaha) wuu dhisay, aasaasihii Xisbiga la aasasay-buu ahaa, barigii dhaweyd-na Naf iyo Maal-ba wuu ku taageeray, Codka ugu badana wuu u keenay, Kursiga uu ku fadhiyo Madaxweyne Siilaanyo Muuse Biixi-baa Libtiisa lahaa iyo Ragii la midka ahaa. Ragii Muuse Biixi-baa ka hadhay Maxamed Xaashina waa-kii ka baxay.”

Guddoomiyaha Maddasha waddatashiga, waxa uu intaas ku daray “Maanta labadooda waxa Xaq  u leh Muuse in la Taageero, waxaan leeyaahay Madaxweyne Siilaanyo Abaalka mar uun  gud oo Ninkaa aad saaxiibka tihiin ee ilaa Jabhaddii ku soo garab-taagnaa taageer, Madaxweynahana waxaan leeyaahay mar uun Abaalka gud laguguma aqoone. Maanta Muuse uga tanaasul weliba ku dhis.”

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.