Nin iinloow, daa gujada!

Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) . Salliga Nebbiga iyo Suuradaha Qur’aankaan ku furayaa, waxaan ugu holaday qalinka qormadan, in aan raygayga ka dhiibto dhawaaqii kazoo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliland oo meelo badan ka hadalay. Aan ku horeeyo odayaasha hawiye ee dalxiiska ah waa inoo sharaf in layna martiyo iyo in guulaheena wax laga bartaaba, lakiin waxa ayaan daro ah in la’inoo cadayn kari waayo in aynu inagu (Somaliland) ahaan ku casuunay iyo in laynoo soo diray oo warka ay sidaan iyo imaatinkoodaba aynaan ka war hayn oo dadka jahawareer ku rido.

FAYSAL1

Dhanka kale waxa umada Somaliland iyo xukumada Somaliland guul lama ilaawaan u ah guusha uu soo hooyay wasiirka wasaarada caafimaadka oo aan anigu odhankaro xagayga waa wasiirkii sanadkan, waayo waa wasiir yaqaana shaqada uu dadka u hayo iyo xilka uu qaranka ugu began yahay , waxa uu tagay dhahhar ilaa saylac ee waxna halkii uu joogay waxkaga qabtay waxna imika saxay, waxaynu ognahay in magaalada buuhoodle u tahay Somaliland meel muhiima kana mid tahay dalka, lakiin dadka ku nooli ay wax badan tabanayaan, waxaanan isleeyahay waa bilow fiican hawsha uu wasiir xaglo hormuudka u yahay, guushuna waxay dhalan doontaa marka wasiir cukuse iyo ku lamidii ay tagaan ee ay wasaarad waliba isku duwe kasamaystaan ee aad adigu wasaarada warfaafinta  wariyayaal uga soo warama oo soo gudbiya baahida dadka ku dhaqan buuhoodle ka samayso. Ma ogtahay  Sideedaba wasaarada warfaafintu doorka qarankan ku leedahay maaha uun difaaca odayga reerka iyo guulihiisa ee waa in aydadka baahiyo hoodda iyo wax qabadka shicibku iskood u samaysteen ay soo gudbiso si ay ugu noqoto dhiiri galin iyo in ay helaan wixii ka dhiman, lakiin way ka wayntahay wasaarad afmishaar nimo lagu maamulo ee waxay u baahantahay aqoon iyo in dadka ku  wacyigaliso wadaniyad, may ahayn wasaarad shaqaalaheeda iyo madaxdeedu ayka wada hadlaan uun saxaafada. Wasiir ma iswaydiisay waxa keenay in saxaafadii madaxabanaanayd iyo dawladu ah halkaa kala maraan waa adiga oo guruubguruub ukala xidhaya.

Waxa kale oo aan aad uga xumahay hadalka kaso yeedhay wasiir cakuuse ee ahaa madaxweyne siilaanyo waa musharax, waayo? Ma gayo madax-weyne siilaanyo in dadku u fahmaan nin baqaya ama aan xaq ulahayn in uu is sharaxo marka uu Cabdilaahi cakuuse afkiisii ku hadalayo, waxay dadkii moodayaan In madaxweynihii ibriiq ku adimayo baqasho awgeed, dhanka kale waxaabad moodaa in cakuuse dadka fidno ka dhex abuurayo oo kicinayo bulshada,  odhan maayo anigu madaxtooyadaa usoo dhiibtay, oo waynu ogayn in  madaxweynahu heshiis sulaadiin iyo boqoro madax weynaha reerkooda ahi marag ka ahaayeen ku galeen  heshiiskii cod-raadinta ahaa ee u dhaxeeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye, Mujaahid, Musharax Muuse Biixi Cabdi.

Tariikhdu qarin mayso ninka is yidhaa dadku hakala gurtaan, tusaale waxa kuu gu filan halka ay lamartay tariikhdu hindiga huteelka hargaysa ku leh ee islahaa guul-darooyinkii uu qaybta ka ahaa ee ku dhacaday xisbigii sharafta badnaa ee UDUB, waatii uu isyidhi ha aqbalin guul-darada xisbigaaga watii saacado uu ku gawaracay Madaxweynihii Hore ee Daahir Rayaale Kaahin.  Ismaaciil Mire Ayaa laga hayay Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon, kibis u laabneyne, cakuusow anigoon islahayn wax udhin shaqsiyadaada,  Adigoo diidan Cabdulaahi Gudoomiye, Mujaahid, Musharax Muuse Biixi Cabdi ha abuurin xaalado dalkan iyo dadkan galiyo khalkhal nabad galyo daro. Bal eeg Hadda Tixdan Gurmad (20/10/2005) ee Gaariye:

Haddaad Garas diiddan tahay

Ku koob dirirtaada Garas.

Ha nicin gobolkuu ka yimi!

Ha giijin xadhkaa ha jarin!

Ha goyn waxa laysu yahay!

Magliga gacal loola baxay

Gondaa uma dhaadhacdee,

Ha gaadhin laftoo ha jabin,

Afkaagana godob ka dhawr!

Mar baa jirta gumuc la riday

Galaafto ninkii ridee,

Nin iinloow, daa gujada!