Somaliland: Iskoris 30 Jirsaday! Qalinka Muuse F. Jaambiir

Muuse Jaambiir
Muuse Jaambiir

(30+30=60-30=? Sodonguuro; sodon hore dib uga dhalatay. Sodonguuro; sodon hore beeninaysa. Sodonguuro; saaqidnimo danbe iyo soobirnimo diidan. Sodonguuro; nabadi waa sed e” sibraarkeeda haysata, samana aan xoorin. Sodonguuro; Rabbi taqaan, rag taqaan,run taqaan.

Muuse Jaambiir
Muuse Jaambiir

Soddonguuro; amran oo bogcad barakaysan gu’geedu ku buuxsamay. Sodonguuro; garnaqsi goobaysa, gaabsina diidan. Sodonguuro; balaysin u ah soomaali oosheed siday eegga ku suubantay. Sodonguuro; saameeshay lixdan guuro dhib iyo dheef u kala saanyan. Sodonguuro; ceelalyo u ah dhammays buuxa. Sodonguuro; ku geediya buuxsin hal la’ (5/9), marna buuxa (6/10), haday dhaaftana dheeraad sadexley ahi oodrogo u yahay.

Waxay ahayd, da’ baaqatay oo 30 jirkeedii dib u dhalatay. Abuurta Eebbe, qofku mar buu dhashaa, marna wuu dhintaa, laakiin danta noloshiisu waa nasiib ku lamaan oo haduu garto gargaarta, haduu gefona gawdhisa, hadba siduu ka yeelo ka yeesha. Taasaa dib u soo laabatay, iyadoo ku joogta qiime ka wayn kii dhalashadeedii hore.

Halkay ka timi iyo sodon jirkeeda, maanta halkay taagantay kala midab, kala muuq iyo kala muruq weeye.Waa mucjiso iskorisa oo sodonkaa sanno, casharo badan laga korodhsaday. Waa halxidhaale, xujadiisu abtirsanayso, kalsooni qabto, jawaab buuxdana dunnida inteeda kale weli ka dhawraysa.Waa dhaadasho 30 sanno iyo 30 geedi tirsanaysa, calankuna waa astaan u taagan buruudka ay da’daa ku soo gaadhay, socodkana ku sii wadi doonto. Somaliland:

Tirsiimadeeda iyo taxa jiritaankeeda 30 jirsaday aan wax ka xusno. 30 sanno iyo dhisme dawlad casriya oo buuxa(Calan, astaan, baasaboor, ciidan….). Sodon sanno iyo afti dastuur.

Soddon sanno iyo hanaan doorasho oo xor ah. Sodon sanno iyo shan Madaxweyne oo dadku doortay. Sodon sanno iyo 7 doorasho oo toos ah(Mid madaxweyne, wakiilo iyo deegaan). Sodon sanno iyo suuq ganacsi oo xor ah. Sodon sanno iyo dhisme waxbarasho ilaa heer jaamacadeed ah.

Soddon iyo adeeg caafimaad oo tayo leh. Sodon sanno iyo dhisme ciidan cudud leh. Sodon sanno iyo iskeed. Sodon sanno iyo dayn la’aan. Intaa iyo in kale oo badan ayaa qayb ka ah, waxyaabaha Somaliland sodonkaa sannadood u qabsoomay. In kale oo aynu karaynay oo baylihi inaka baajisayna waa jiraan, dhaliishana mar walba aadamaa loo yahay. Laakiin waxa qabsoomay ee aynu haynaa ka wayn.

Sodonkaa waxa barbar socday; sodon sanno iyo go’doomin caalamiya. Sodon sanno iyo cunaqabatayn caalamiya. Sodon sanno iyo duudsi xuquuqeed oo caalamiya. Sodon sanno iyo dafiraad soo gudhaysa. Sodonguuro wacan, doorashooyin iyo mustaqbal fiican.

Farriinta 18may ee Commissioner Muuse Jaambiir.