Dhismaha Dekedda Maydh oo la Bilaabay

Maydh (Aftahannews) – Waxaa maanta si rasmi ah loo bilaabay bilowga dhismaha cusub ee Dekedda degmada Maydh ee gobolka Sanaag.

Waxaana munaasibad lagu daah-furayay bilowga shaqada dhismaha dekedda degmada Maydh ka qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi.

Sidoo kale, waxa ka soo qayb galay munaasibadda loo qabtay daah furka shaqada dekedda degmada Maydh masuuliyiinta gobolka Sanaag, ka degmada Ceerigaabo, masuuliyiin ka socotay wasaaradda Xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga,madax ka socotay shirkadda dhisaysa Dekedda, bulshadda degmada Maydh, hawl wadeeno ka socday Kalluumaysatada dekeda Maydh iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.