Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayay oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Djibouti (Aftahannews) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay, ayaa waxaa ay  gaadheen dalka Jabuuti.

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha, waxaa garoonka diyaaraddaha Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ku qaabilay habmaamuska madaxweyneyaasha dalkaas socdaalka ku yimaadda.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka qaybgelaya caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimadda.

Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay weheliyaan wasirro ka tirsan xukuumadaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa wakhti kooban ku wadda qaatay qolka madaxdu ku nasato ee madaarka.

Waxaana kadib madaxweynaha iyo waftigii la socday loo galbiyay qasriga ay hoggaamiyaasha dunida ka socdaa degaan oo ay ku sugan yihiin wakhtigan madax kala duwani oo ka soo qayb-galay caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa, waxaa ka warbixiyay wasiir ku xigeenka Ariimaha Dibadda ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda Liibaan Yuusuf Cismaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.