Qaza (Aftahannews)- Milatariga Israa’iil, ayaa xoojiyay weerarada ay ka wadaan Qaza iyadoo dagaalamayaasha Falastiiniyiintana ay iyaguna sii wadaan inay gantaallo ku tuuraan dhinaca Israa’iil xilli colaadu ay gashay maalintii shanaad.
Ciidammada Israa’iil, ayaa sheegay in xoogagga cirka iyo kuwa dhulka ay qeyb ka ahaayeen weerarada dhacay maanta oo Jimce ah, balse waxay sheegeen in ciidammadooda ayna gelin Qaza.
Weriyeyaasha ku sugan Qaza, ayaa sheegay in magaallada ay ku socdaan duqeymo xooggan oo loo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.
Ilaa iyo hadda 100 qof, ayaa lagu dilay Qasa, 7 qofna dhinaca Israa’iil tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Isniintii.
Warbixin laga soo xigtay goobaha caafimaadka, ayaa sidoo kale sheegaysa in markii horeba goobaha caafimaadka ay la ciirayeen dadka uu soo ritay xanuunka Covid19 haddana la dhigay dad dhaawac ah.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.