General Doolaal oo Sheegay in Xadhigiisii uu Caddalad Darro Ahaa oo Lagu Soo Oogay Danbiyo Anu Samayn Karin

Burco (Aftahannews) – General Jamac Maxamuud Aadan (Dollaal) oo soo dhaweyn loogu sameeyay magaalada Burco, ayaa sheegay in uu Somaliland u soo dagalamay xornimadeeda eedaha lagu oogayna aanu gayin.

General Doolaal oo maanta magaalada Burco soo gaadhay, ayaa soo dhaweyn kala kulmay shacabka ku dhaqan magaalada Burco oo uu asal ahan ka soo jeedo.

Waxaanu generaalku oo hadal gaaban ka jeediyay munaasibada soo dhaweynta ah, ayaa sheegay in xadhigiisu uu caddalad darro aha isla markaana lagu soo oogay danbiyo anu samayn karin.

“16 xabadood ayaa igu yaala 4 jeerna miino ayaa ila kacday, maanta in in munafaqad la ii dhigo oo la yidhaa Xamar buu doonayaa waa wax aan i qaban” ayuu yidhi Dollaal.

Waxa kale oo uu sheegay in layskala xisaabtami doono hablo uu sheegay in uu dawaday iyagoo ul lala dhacayo isla markaana jeelka lagu gurayo.

“Hablihii la xidh xidhayay ee dhangada lala dhacayay ee jeelka lagu gurayay waan daawaday lakin waa layskula xisaabtami doona” ayuu yidhi Dollaal.

Generaal Doolaal faah faahin dheerad ah kamuu bixin hablaha uu sheegayaa kuwa ay yihiin.Dollaal ayaa cafiska madaxweyne xabsiga lagaga siidayay 6 bishan May kadib markii 11 April ay madaxkamada millaterigu ku xukuntay 2 sano oo xadhiga iyado lagu eedeyay in uu xidhiidh la leeyayahay magaalada Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.