Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad Marwo Seynab Cabdi Macallim, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib martiqaad uu kaga qayb galeen Munaasabadda Caleemasaarka madaxweynaha dalka Uganda yoweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo, ayaa intii uu Kambaala ku sugnaa waxa uu kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Uganda waxaa uu soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika.

Waxaanu uu madaxweyne Farmaajo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cidhib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada, korna loogu qaadayo nolasha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayay Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.