Sidee looga Ciiday Magaaladda Hargeysa iyo Gobolada kale ee Somaliland?

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa saaka guud ahaan goboladda iyo degyoonka Somaliland looga dabaaldegay munaasabadda Ciidda Fitriga, iyadoo magaalooyinka waddanka oo dhan si siman looga ciiday.

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, ayaa xilli hore oo Saaka ah laga oogay Takbiirta, iyadoo Salaadda Ciiddana lagu gutay Masaajidda iyo goobo kale oo ay isugu yimmaaddeen Dadweyne aad u tira badan.

Sidoo kale, wadooyinka, ayaa saxmad ahaa saaka magaalada Hargeysa, caruur iyo waalid gacanta haya, ayaa soo buuxdhaafiyay kuwaa soo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.

Qaar kalena waxay u socdeen goobaha lagu ciyaaro ee loo tamashle tago oo sidii ciidooyinkii hore u furan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka shacabka magaalada Hargeysa la tukaday salaadii ciidul fidriga.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.