Madaxweynaha Somaliland oo Salaadda Ciidul-Fidriga kala qaybgalay Shacabka Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-fidriga.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maamulka gobolka Maroodi-jeex, ayaa Boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukay Masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu duceeyey bulshada reer Somaliland in Ilaahay ka aqbalo, cibaadadii iyo wanaaggii ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, Quluubtooda mideeyo, islaamnimadana u quweeyo, waxana uu yidhi,“Ilaahay ha inaga yeello ummad Islaam ah oo qalbiga ka heshiis ah oo Diintooda Aaminsan oo dhan u wada jeedda.”.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.