Taliyaha Milateriga Somaliland oo Ciidamadda Milateriga ku bogaadiyay Munaasibada Ciida Awgeed

Taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani
Taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani

Hargeysa (Aftahannews)- Taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa hambalyo iyo bogaadin munaasibada ciidal Fidiga awgeed u diray guud ahaan ciidamada Milateriga Somaliland.

Taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani
Taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani

Dhambaalka ka soo baxay xafiiska taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland, soona gaadhay Warbaahinta Aftahannews, ayaa u dhignaa sidan:-

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL sareeye gaas Nuux Ismaaciil (Taani), wuxuu Hambalyo iy Bogaad u dirayaa dhammaan Xubnaha Ciidanka Qaranka JSL, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Aliflaeyda, dableyda iyo qoysaskooda dhamantood.

Isaga oo hambalyeynaya Munaasibada Ciidul- Fidriga oo ku beegan maalinta Bari ah oo ay Taariikhdu tahay 13/05/2021, taliyuhu wuxuu Alle uga baryayaa inuu Ciidan Cideeda kale ku gaadhsiiyo Caafimaad, Cimri dherer iyo cibaado suuban.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.