Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka soo Horjeesatay Magacaabista Ergeyga Midowga Afrika

John Dramani Mahama
John Dramani Mahama

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Soomaaliya, ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inay ka soo horjeeddo magacaabista John Mahama ee ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

John Dramani Mahama
John Dramani Mahama

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo sax ahaanshaheeda la xaqiijiyay, kuna taariikhaysan 9-ka May, ayay dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaanay taageero siin doonin John Mahama oo ahaa madaxweynihii hore ee Ghana.

John Mahama waxa la soo magacaabay 7-dii May si uu hoggaamiyayaasha Soomaalida ugala shaqeeyo sidii ay heshiis wadar-oggol ah uga gaadhi lahaayeen in doorasho ku dhacdo wakhtiga ugu gaaban uguna suurto-galsan.

Warqadda uu Wasiirka Arrimaha Dibedda u qoray Moussa Faki Mahamat waxay Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama ayna haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May.

Waxay sheegtay Soomaaliya in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto hawsha Ra’iisal Wasaaraha oo billaabatay.

Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xidhiidho qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya ka soo horjeeddo Mahama inuu yimaaddo Soomaaliya.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.