Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga hadley Qaraxii Magaaladda Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay Qaraxii ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo

Qaraxa, ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii Booliiska ee degmada Waaberi Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qaybta Booliiska ee Weliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.Madaxweyne Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliya ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.”.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Alle uga baryay -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliya ee ku naf waayay qaraxan bahalnimada ah in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaadhayna Eebbe u booga dhayo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.