Mashaariic horumarineed Imaaraadka Carabtu hirgeliyey oo Somaliland laga furay

Burco(Aftahanews):- Muddooyinkanba waxaa Dawladda Imaaraatka Carabtu ka wadday Somaliland Mashaariic isugu jirta biyo balaadhin iyo Cisbitaalo heer Caalami ah, waxaana ilaa iyo iminka mashaariicdaasi sitoos ah uga hanaqaadeen Degaanada, Gebiley, Berbera iyo Burco.

_MG_8395

_MG_8332 _MG_8411 _MG_8391 _MG_8358 _MG_8446 _MG_8447 _MG_8351 _MG_8317 _MG_8452 _MG_8313-1 _MG_8434 _MG_8310

Kuwaaso dhammaantoodba bulshada ku nool laga haqab-tiray biyo nadiif ah oo ku filan, halka weli mashaariicdaasi dhinaca biyuhu ay kasocdaan Magaalo madaxda somaliland ee Hargeysa oo laga wado Mashruucii ugu balaadhnaa ee lagu hiigsanayo sidii boqolaalka kun ee ku nool magaalada hargeysa ay uga bixi lahaayeen biyo yaraanta iyo Oonka mudada badan deriska la ahaa, sidoo kalena waxaa mashaariic ka kooban dhismayaal Cisbitaalo heer caalami ah iyada emaaraatku ay ka wadaan Magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Enjineer Hussein Axmed Cabdulle ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Lix Ceelbiyood iyo Hal Dhaam oo dawlada Imaaraatka Carabtu ugu deeqday Somaliland.

Xadhiga ka jarida mashaariicdan biyaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Badhasaabka gobolka togdheer iyo kuxigeenkiisa, Masuuliyiinta Wasaarada Biyaha ee burco, waayeel iyo waxgarad tiro badan.

Mashaariicdan oo ay fuliyeen Hay’ada khaliifa Foundation iyo Bisha Cas ee imaaraatka carabta ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Madaxa hay’ada khayriga ah ee { Seyid  khaliifa Foundation} Amiir Al Falaax waxaanu ku dheeraaday sida biyuhu ay u yihiin baahida koowaad ee dad iyo duunyoba loo wada baahan yahay isagoo xusay in emaaraatka Carabtu diyaar u yahay inuu qayb libaax ka qaato la dagaalanka biyo la’aanta somaliland meelo badan oo kamid ah ka jirta,sidoo kalena waxa uu bulshada ku dhaqan deegaanada miyiga burco ee ceelasha laga hirgeliyey ugu baaqay inay ilaashadan, una aqoonsadaan inaan Cid kale lahayn ee ay iyagu leeyihiin.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Dr Xuseen Axmed Cabdulle oo ah masuulkii ugu horeeyey ee wasaaradaasi soo mara ee si qoto dheer ugu kuurgala biyo la’aanta iyo haraadku degaanada ay ka jiraan isla markaasina isagoo kaashanaya Madaxweynaha Somaliland iyo dawladaha caalamkaba wax ka qabta baahida biyaha  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa siweyn ugu mahadceliyey hay’ada khayriga ah ee khaliifa foundation, bisha cas ee imaaraatka iyo Sayid Alfalaax iyo weliba Injineerka suurtageliyey in ay sidii loogu talo galay ay u fulaan mashaariicdani Dr Abdurahman Ali Du’alleh waxaanu wasiirku yidhi “Waa Wax Illaahay lagu mahadiyo, dawlada Emaratka, Hay’adaha Khayriga ah ee Khaliifa Foundation Iyo Bisha Cas ee Emaratka iyo masuuliyiinta fulisayba waan u mahadnaqayaa, anigoo ka wakiil ah Xukuumada somaliland iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Run ahaan waa mashaariic dhaxalgal ah, degaanadanina waa kuwii ay biyo la’aantu ka taaganayd, mar labaad ayaanu adiinka mahadnaqaynaa ka wasaarad ahaan, hay’ada khaliifa Foundation iyo Dawlada emaaratkaba waxaan leeyahay waxqabadkiina dhinaca Ceelasha biyaha degaanada miyiga qaarkood baan biyo lahayn ee noogu bedela Dhaamamka Mashaariicdana noo sii balaadhiya waan ogahay xagiina dhaam iyo Boqol Dhaam ama Ceel iyo Kun Ceel midna wax kuma aha anagase wax weyn ayey noo taraysaa ee noo sii balaadhiya, Kan wasaarad ahaan waa mid naga go’an inaanu gaadhno hadafkayaga oo ah in shacabka reer somaliland Miyi Iyo Magaaloba ka haqabtirno biyo Nadiif ah oo ku filan madaxweynuhu waa taas Masuuliyada uu Xilka qaran iigu igmaday waadna mahadsan tihiin.

Xadhig ka jarida lixdaasi Ceel kadib waxa weftiga oo uu hogaaminayo wasiirka ay u kicitimeen deegaanka boodhley oo laga hirgeliyey dhaam biyood aan hore noociisa oo kale looga hirgelin deegaanada degmooyinka gobolka togdheer halkaaso iyana wasiirku xadhiga ka jaray dhaamkaasi oo laga hirgeliyey halkii ugu darayd ee degmada burco ay ka taagnayd mudo badan biyo la’aan baahsani.

Si kastaba ha ahaatee mashaariicdan ayaa waxay qayb ka yihiin mashaariic biyo balaadhin ah oo dawlada emaaraatku ay ka wadaan meelo badan oo kamid ah Somaliland, waxaana tan iyo intii madaxweynaha Somaliland wasaarada Biyaha u magcaabay wasiir Xuseen Axmed Cabdulle siweyn looga dareemayaa waxqabad baahsan oo wasaaradu ku talaabsatay, taaso ku suurtagashay Dedaalka, Kartida, Aqoonta iyo Xilkasnimada uu saaxiibka u yahay Wasiir Xuseen Axmed Cabdulle.

Maxamed Yuusuf Bakayle

mbakayle@gmail.com

Aftahannews.com

Burco/Somaliland.