Saraakiil Ciidan oo ku Dhimatay Qaraxii Caawa ka Dhacay Muqdisho

Saraakiisha Ciidan ee ku Dhimatay Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho
Saraakiisha Ciidan ee ku Dhimatay Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Faah-faahino dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya qaraxii aadka u xooganaa ee Caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaana Saldhiga degmada Waaberi.

Saraakiisha Ciidan ee ku Dhimatay Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho
Saraakiisha Ciidan ee ku Dhimatay Qaraxii Caawa ka dhacay Muqdisho

Ilo dhinaca amniga ah, ayaa waxaa ay sheegeen inay weerarkan ku dhinteen Lix Qof oo laba ka mid ah ay yihiin ciidamada Booliiska, labana saraakiisha ciidanka.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in weerarka qaraxan ay ku dhinteen Taliyihii Booliiska ee degmada Waaberi Dhamme Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye ku xigeenkii qaybta Booliiska ee Weliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay qof watay Jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, ayaa gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaas oo gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxa.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.