Qarax Xoogan oo ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

Qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho
Qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay sheegayaan inuu goor dhawayd qarax ka dhacay meel u dhow saldhigga booliiska ee Waabeir ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho
Qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho

Qaraxa, ayaa la sheegaya inuu dhacay iyadoo mashquul aad u fara badan uu ka jiray wadada hormarta Saldhiga Waaberi oo u dhaw isgoyska Dabka halkaasoo gaadiid badan ay jaam ku ahayeen xiliga uu qaraxa dhacayay.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogganaa islamarkaana jugtiisa laga maqlay degmooyinka magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa la sheegay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan inuu weerarka qaraxan uu ku dhintay taliyihii booliiska ee degmada Waaberi Axmed Baashane.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya inuu gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa uu sababay qaraxaas.

Faahfaahin dheeraad ah goor dhow naga filo.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.