Hooyo iyo Carruur ay Dhashay oo ku Dhintay Derbi ku soo Dumay

Breaking_news-5

Muqdisho (Aftahannews) – Ugu yaraan inta la ogyahay Lix ruux, ayaa dhimatay dad kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, kaddib markii uu ku soo dumay derbi la sheegay in ay gabaad uga dhiganayeen roobab lixaad leh oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay dhacdadan, ayaa waxaa ka mid ah Hooyo iyo shan carruur ah oo dhashay sidoo kale ilmo kale oo yar oo sida la sheegay ay qaraabo ahaayeen.

Qoyskan uu derbigu ku soo dumay, ayaa la sheegay in ahaayeen Qoys Danyar ah oo ka mid ah dadka barakacayayaasha ee ku nool Jaamacadda Shabeelle ee dulleedka  magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay saameeyeen roobabkaasi ka da’ay magaalada.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.